Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.

scheduleOppdatert: 06.01.2022

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Siday qabto UNAIDS tallaallada covid-19 ammaan ayay u yihiin dadka badankiisa, oo ay ku jiraan kuwa la nool hiv.

Tallaallada waxaa ku jira maadooyin hidde-sideyaal SARS-CoV-2 ah, oo sababa fayraska covid-19. Taasi waxay kicisaa difaaceena jidhka si uu usamaysto hub uu iskaga difaaco fayraska. Tallaallada imminka lasoo saarayo iyo kuwa la aqoonsaday midkoodna ma isticmaalo fayras nool, sidaa awgeed ayay ammaan ugu yihiin dadka difaacooda jidhku hooseeyo. Sidaa darteed ayay sidoo kalena ammaan ugu yihiin dadka la nool hiv oo uu si weyn difaacooda jidhku u hooseeyo.

Saamayno (waxyeello tallaal)

Tallaalka kadib, waxaa lala kulmi karaa saamayno, waana caadi taasi marka lays tallaalo. Saamaynadaasi waxay noqon karaan nabar xagga gacanta ah, madax xanuun iyo qandho fudud. Dad yar ayaa la kulmi kara falcelin xasaasiyadeed halis ah, waana sababta ay shaqaalaha caafimaadku 15-30 daqiiqo ula socdaan qofka xaalkiisa markii la tallaalo kadib. Tani waxay qusaysaa tallaallada oo dhan, ee gooni kuma aha tallaallada covid-19. Dadka la nool hiv, ugama khatar badna dadka kale inay ku dhacaan waxyeellooyinka halista ah ee dhifka iyo naadirka ah ee ka dhasha tallaalka.

Dadka la nool hiv ma inay is-tallaalaan baa?

Dadka la nool hiv, waxay helayaan faa’iidooyin la mida kuway helayaan dadkaan hiv lahayn markay iska tallaalaan covid-19. Tallaalladu waxay ka hortagayaan jirro halis ah haddii qofku qaado fayraska koronaha waxaana suurowda inay ka hortagaan sii faafinta fayraska. Tan dambe lama hubo, sidaa awgeed waxaa si adag loogu talinayaa inaynu dhammaan sii wadno tallaabooyinka ka hortagga ah ee aynu hadda sida fiican u naqaanno: mayr gacmaha, kala-fogaanta ilaali, isticmaal af-xir gurigana joog haddii aad dareemaysid jirro.

Dadka difaacoodu hooseeyo oo jirrooyin kalena qaba

Daaweynta hiv ee imminka jirtaa waxay keentay in badankooda dadka Noorwey la nool hiv ee la daweeyaa ay leeyihiin difaac jidheed oo wanaagsan, oo heerka fayraska dhiigga ku jiraa uu aad u hooseeyo ilaa heer aan baarisyada lagu cabbiri karin. Siday sheegeen qaybta bukaan-socodka daweynta infakshinka ee isbitaal-jaamacadeedka Oslo ee Ullevål dadka kaliya ee ay kordhayso khatarta ah inay si halis ah ugu jirradaan covid-19 waa kuwa uu hooseeyo difaaca jidhkoodu, waana kuwa tirada CD4 ka hoosayso 350 lana cabbiri karo tirada fayraska, qabana jirrooyin kale.

Dadka la nool hiv ee ku jira daweyn lagu guulaystay, khatar siyaadaa uguma jiraan inay si halis ah ugu jirradaan covid-19.

Dhammaan tallaallada Comirnaty (ay sameeyaan Pfizer/BioNTech), Moderna iyo Janssen way qaadan karaan dadka difaacooda jidhku hooseeyo. Tallaalka Janssen waxaa soo saartay shirkadda dawooyinka ee Johnson & Johnson.

Dhakhaatiirta joogtada ah ayaa qiimaynaya

Qaybta bukaan-socodka daweynta infakshinka ee isbitaal-jaamacadeedka Oslo ee Ullevål, waxay adkaynayaan in tallaalista koronaha ee bukaanka qaba hiv laga maamulo degmada, oo aanay maamulin qaybta bukaan-socodka infakshinnada. Dhakhaatiirta joogtada ah ayaa gudbinaya tallaalista bukaan-khatareedyada, waana muhiim in dhakhtarka joogtada ahi (fastlegen) yaqaanno baarista hiv ka ee bukaanka. Dhakhtarka joogtada ahi wuxuu si joogtaa ah u helaa nuqulka qoraalka bukaanka taasoo looga faalloodo heerka CD4 iyo tirada fayraska. Qoraallaadaasi wuxuu bukaanku ka heli karaa helsenorge.no.

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.