Sharciyada

Markaad la nooshahay HIV-ka, waxaa jira xoogaa xuquuq iyo waajibaadyo ah oo aad leedahay. Dhamaan daaweynta cudurka HIV-ka ee Norwey waa lacag la’aan oo aan laga goyn karin, sida uu qabo sharciga xakamaynta caabuqa oo leh xeerar. Marar dhawr ah, waxaad sidoo kale heli kartaa lacag celin kharashyada qaarkood ee dhakhtarka ilkaha ah.

scheduleOppdatert: 16.12.2022

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

Waajib kuguma aha inaad bixiso warbixin ku saabsan la noolaanshaha cudurka HIV-ka. Waxaanu laakin wali kugula talineynaa inaad u furantahay dhakhtarkaaga. Si dhakhtarku uu u helo sida ugu haboon ee la socoshada xanuunkaaga, iyo sidoo kale inuu hubiyo in daweynta kale ee aad hesho aysan saameyn ku yeelan daawooyinka HIV-ka. waxaa muhiim ah in dhakhtarkagu ogyahay ogaanshaha bukaha cudurka HIV-ka. 

Sharciyada xadgudubka ee qaybta 237 ee Xeerka Ciqaabta waxay khusaysaa gudbinta cudurada halista ah ee u dhexeeya dadka. Waxay ka hadlaysaa gudbinta icaabuqyada iyo u bandhigida qof halista caabuqa, laakiin kaliya meesha ay jirto halista dhabta ah ee cudurka la isugu gudbin karo. In aad-qaadsiisid qof inuu ku dhaco HIV-ku waxay hoos iman kartaa qaybtaan, laakiin waxaa jira waxyaabo badan oo ka reeban.  

  • Haddii uu qofku helo daweyn baxnaanyn wanaagsan ah, ma leh wax khatar ah oo uu dadka kale ku qaadsiin karo cudurka. Haddii aad sameyso wax kasta oo suurtagal ah si aad uga hortago isqaadsiinta infekshinka galmada, waxaa laga qaadayaa wixii ciqaabta ah. Tan macnaheedu waxa weeye dadka la nool HIV iyo kuwa dawada u joogatada ah qaadanaya ama isticmaalaya cinjirka galmada lama ciqaabi karo. 
  • Laguguma ciqaabi karo gudbinta infekshin ama u galiso lammaanaha galmada halista infekshinka haddii isagu ama iyadu ay horay u oggolaadeen inay kaala qayb qaataan halista cudurka. Taas macnaheedu maaha inay waajib tahay in la ogeysiiyo, laakiin inaan la ciqaabi karin haddii lammaanaha la wargeliyo oo uu haddana doorto “inuu naftiisa u galiyo halista infekshinka”. Haddii, dhinaca kale, aadan ku jirin baxnaaninta oo aadan qaadin tallaabooyin kale oo lagama maarmaan ah oo ku filan oo looga hortago infekshinka, waa lagugu ciqaabi karaa haddii aadan la socodsiin lammaanahaaga galmada, infekshanka la is qaadsiinayo iyo in kale.  
  • Ka reebitaanka ciqaabta ayaa sidoo kale ah infekshan ka yimaada kuwa ka ganacsada jirkooda iyo isduritaanka dadka isticmaala daroogada, iyo sidoo kale gudbinta hooyada iyo ilmaha. 

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.