Hadii tijaabdu tahay in lagaa heley

HIV-ku maanta waa cilad-xanuun oo joogto ah, qofkuna waa la noolaan karaa mudo nolol dheer ah sida qof kasta oo kale. Si taasi u dhacdo, waa muhiim in la bilaabo daaweynta HIV-ka isla markiiba. Tani ma aha oo kaliya qofka dantiisa/qaybtiisa, waxay sidoo kale leedahay faa iidada ah inuu qofku noqdo mid ka aan qaadsiin karin caabuqa ka dib waqti yar oo daaweyn […]

scheduleOppdatert: 23.07.2021

createForfatter: Sekretariatet

labelEmner:

HIV-ku maanta waa cilad-xanuun oo joogto ah, qofkuna waa la noolaan karaa mudo nolol dheer ah sida qof kasta oo kale. Si taasi u dhacdo, waa muhiim in la bilaabo daaweynta HIV-ka isla markiiba. Tani ma aha oo kaliya qofka dantiisa/qaybtiisa, waxay sidoo kale leedahay faa iidada ah inuu qofku noqdo mid ka aan qaadsiin karin caabuqa ka dib waqti yar oo daaweyn ah. Dabagalku wuxuu ka dhacayaa isbitaal leh qaybta infakshanka. Mar alla markii ay daaweyntu bilaamato oo aad ogaato inay daawadu shaqayso, waxay sii wadi doontaa kontroolka hal mar ama laba jeer sanadkii. Daaweynta HIV-ku maanta waxay leedahay waxyeellooyin aad u yar oo badiyaa waa hal kaniini maalintii. 

Les også

schedule13.01.2023

→ Ma ku cusub tahay Norway oo ma u baahan tahay daawada HIV-ka?

Qof kasta oo Norway jooga oo la nool HIV wuxuu xaq u leeyahay daawaynta HIV oo bilaash ah. Tan waxaa laga heli karaa dhakhaatiirta isbitaalka kuugu dhow oo leh waaxda cudurrada faafa.

schedule06.01.2022

→ Tallaal covid-19 ammaan ah

Tallaallada covid-19 ammaan bay u yihiin (way qaadan karaan) dadka la nool hiv, sidaa waxaa sheegay UNAIDS. Dhakhaatiirta infakshinnada Noorwey ayaa ku taageeray taas, oo ku boorrinaya dadka la nool hiv inay qaataan tallaallada.